spacer
Welcome to www.himilo.org 1
1
logo 1
1
header
navigation
Statistieken
Today's Hits: 115
Today's Unq Hits: 103
Total Unique: 22846

Users Online: 4
Record: 19

View More Stats


footer
URURKA HIMILO

HIMILO waa urur samafal ee Soomaliyeed, kana howlgala Soomaaliya iyo Nederland. Ururka wuxuu ka diiwaangashanyahay dalka Nederland. Himilo waxaa la aasaasay 2006, waxaana loo aasaasay in wax looga qabto dhibaatooyinka Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya.

Himilo waxay xoogga saaraysaa kobcinta waxbarashada caruurta da,da yar. Howlaha Himilo horyaalla waxaa ugu muhiimsan dhisidda iyo dayactirka goobaha waxbarasho ee caruurta. Sidaoo kale waxay Himilo gacan wayn ka gaysanaysaa wax ka qabadka Musiibooyinka sida abaaraha iyo cudurada faafa.

footer
UJEEDOOYINKA URURKA

Ujeedada guud ee ururka loo aasaasay waa dibudhiska iyo horumarinta adeegga aasaasiga ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dhexe. Ujeedooyinka ururka waa:

  • Kor uqaadidda tayada iyo cadada waxbarashada
  • Kor u qaadidda tayada caafimaadka, sida abuurista xarumo daryeelka dhallaanka iyo hooyooyinka
  • Kobcinta tayada biyaha, sida dayactirid ama samayn ceelal biyo
  • Kor u qaadidda wacyiga bulshada, Sida samayn xarun wax ka qabata arimaha degdegga ee bulsahda sida abaaraha cudurada faafa IWM

Back to top

footer
Masuuliyiinta HIMILO waxay balanqaadayaan haddii Alle yiraahdo, in wax alaale iyo wixii samafal ah ee la helo ay gaarsiin doonaan Degaanadaas iyo dadkiisa
Register Forgot Pass?